Xaaladaha saameeya ilmaha dhasha

 Qaar kamid ah xaaladaha saameeya ilmaha dhasha:





Dhaawaca dhalasha: ilmo badan ayaa qaba dhaawacyo fudud xilliga dhalmada.Mararka qaarkood, inta lagu jiro habka dhalmada, ilmuhu waxaa laga yaabaa inuu soo gaaro dhaawac jireed Dhaawacaas wuxuu ka dhalan karaa isticmaal xoogg ah marka ilmaha looga soo saarayo marinka dhalmada taas oo sababikarto dhaawaca neerfayaasha ah iyo in ay laf jebto ama in ay barar yeeshaan dhaawacyadaas intooda badani waxay bogsadaan daaweyn la'aan.


Cagaarshowga dhallaanka:  ilmaha dhasha waxaa lagu arki karaa cagaarshowga dhallaanka wuxuuna ku dhacaa dhiigga waxaa lagu arkaa tiro xadhaaf ah oo bilirubin ah waxayna ka timaadaa bilirubin inta badan burburka unugyada dhiiga cas, tirade xaddhaafka ah ee bilirubin wuxuu ka dhigaa maqaarka ilmaha mid huruud ah iyo caddaanka indhuhu in uu u ekaadaan huruud Taasna waxa loo yaqaan cagaarshowga dhalaanka. waana xaalad caadi ah marka loo eego dhalaanka dhasha kahor sodan iyo sideed todobaad iyo qaar kamida dhalaanka naaska la nuujiyo. cagaarshowga dhalaanka inta badan waxa uu kor u kacaa labada ilaa shanta maalmood ee ugu horeeysa noloshooda, waxa uuna socdaa hal ilaa laba todobaad. Dhallaanka naaska la jaqsiiyo waxay ku sii jiri kartaa waqti dheer ma garanayno sababta dhabta ah ee tani u dhacdo laakiin ma aha wax laga walwalo.



Hargab: hargabka waa mid ka mid ah cudurrada ugu badan ee carruurta kudhaca Haddii ay kaweynyihiin sadex bilood, hargabka maahan mid dhibaato leh waa ey kabogsanayaan laakin hadii ay kayaryihiin sedex bilood waa in aad dhaqter geysaa oo aanad fududeysan sababtoo ah hargabku wuxuu u keeni karaa caruurta dhasha dhibaatooyin halis ah waxuuna ugudbi karaa oof-wareenka.


Shuban: Shubanka dhallaanku waa sidii saxaro badan oo biyo ah ama jilicsan taas oo soo noqnoqata dhallaanka waxa uu ka dhigayaa fuuqbax. inta badan dhallaanka saxradooda wey jilicsantahay marka loo eego dadka waaweyn.inta badan dhallaanka somalida aad ayuu ugu badanyahay shubanka iyo qaarada afrika oo dhan.inta badan shubanka waxa uu kubadanyahay ilmaha lanuujiyo  caanaha naaska.


Cabeebka: Cabeebka afka waa caabuqa ku dhaca afka ilmaha waana nabaro cad ama jaale ah oo dahaara afka ilmahaaga inta badan waxa uu kasoo baxaa carabka,ciridka iyo dhamaan gudaha afka.waana caabuq loo yaqaan candidiasis afka.waa infaction fudud hadii aan ladaaweeyn wexey dhibaato u keeni kartaa dhallaanka iyo hooyada naas nuujiso wuuna u ugudbikaraa caabuqa ilmaha yar Haddii lanuujiyo naaska.




Dhiig yari: waa xaalad aan fiicneyn taas oo mararka qaar ilmaha dhasha lagu arko waxay iman kartaa marka unugyada cas cas ay si degdeg ah u burburaan, dhiig badanina lumo ama dhuuxa lafuhu aanu soo saarin unugyada dhiigga cas ee ku filan. Haddii xaddi badan oo dhiig ah uu si degdeg ah u lumo  ilmaha dhasha waxa laga yaabaa inuu si daran u uxanuunsado oo uu shoog yeesho, midabkiisana u ekaado midab boor boor ah , garaaca wadnaha oo saa id ah ama neefsasho degdeg ah.waana laga maarmaan in ilmaha dhaqter lageeyo  sababtoo ah waxey sababi kartaa dhimasho mararka qaar ilmahaasna waxuu ubaahnaan karaa dhiig ku shubis ama daweeyn.



Qandho: qandhada mahaan jiro ee waa calaamad muujineysa in jirka ladagaalamaayo caabuq soo galay.qandhada ilmaha dhasha  hadii ay jookto tahay oo ay kasareyso boqol iyo afar waa xaalad ubaahan dhaqter sabab too ah wexey keenikartaa qalal ama maskaxda in ay wax garaan.


 

 










 

Post a Comment

0 Comments