Waa maxay
nadaafada deegaanka?
Nadaafadda deegaanka waxaa loola
jeedaa ilaalinta iyo nadiifinta nadaafadda iyo caafimaadka agagaarka deegaanka
ay dadku ku nool yihiin sida meeshaad ka
shaqeeysid ama aad dagantahay. Nadaafadda deegaanku waxay lama huraan u tahay shakhsiyaadka iyo bulshooyinka caafimaad
ahaan iyo nadaafad ahaanboa sabab too ah caafimaadka iyo nadaafada waa hal shey.
nadaafadda deegaanku waxay lagama maarmaan u tahay goobaha laguwada kulmo sida
isbitaallada, dugsiyada, goobaha shaqada, iyo suuqyada. nadaafadda oo laga wada
shaqeeyo waxay yarayn kartaa halista cudurrada, waxay kor u qaadi kartaa
caafimaad qabka bulushooyinka degaankaas ku nool , waxayna shaqsi walba u keeni
kartaa nolol caafimaad leh.
maxaa kamid ah
qeybaha nadaafada deegaanka?
Ø Hawada: maareynta wasakhowga hawada iyo kor
uqaadida tayada hawada waa lagama maarmaan si loo yareeyo dhibaatooyinka
neefsashada iyo waxyaabaha kale ee
caafimaad darida keeni kara ee la xiriira wasakhowga hawada.Tayada hawada oo la
wanaajiyo waxay muhiim u tahay bad qabka caafimaadka aadanaha, xayawaanka, iyo
nolosha dhirta ee deegaanka.
Ø Biyaha: tayada biyuhu oo yaraata waxay abuuri karaan dhibaato caafimaad dadka, iyo
xayawaanka guud ahaan. helitaanka
biyo nadiif ah oo la cabbo ama lagu dhaqmo dhan walba waxay ka hortagtaa caafimaad
darida biyaha ka dhasha waxayna ilaalisaa badqabka bulshada deegaanka.
Ø Fayadhowrka: waa xaaladaha caafimaadka waxeyna la xiriirtaa nadiifinta
qashinka iyo wasakhda aadanaha taasoo muhiim u ah ka hortagga fiditaanka
cudurrada iyadoo ilaalineysa nadaafada deegaanka.
Sideen u
ilaalinaa nadaafada deegaankeena?
Waxyaabo badan ayaa sameyn karnaa
si aan u ilaalino nadaafadda deegaankeena marka hore bulsha deegaanka waa in ay
ku heshiiyaan kana tashtaan sida ay u
ilaali lahaayeen nadaafa guud ee deegaanka guri kasto iyo goob kasto oo soo saara
wasaqowga deegaanka waa iney iska ilaaliyaan in ay qashinka meel walba dhigaan. Waxey u baahnan doonan inay noqdaan dad isku xeran deegaan ahaan waxyaabaha wasaqowga keena diidaan
una badalaan waxyaabaha dib loo warshadayn karo.
Waa in lala taliyaa dadka wata baabuurta
wasaqda sii daysa, laguna dhiirigaliyo beddelka shidaalka aan deegaanka uwanaagsanayn.
si aan deegaankeena u qurxinno waana in la abuura dhirbadan oo cagaaran
deegaankane waxey siisaa hawo caafimaad leh. Waa in dadka loo sheego muhimadda
ay leedahay deegaan nadiif ah wacyigelin waa in lasameeyaa loogana faa'iideeyaa
si bulshada oo dhan loo gaarsiiyo muhiimada nadaafada deegaanka waana in laga
bilaabo dugsiyada iyo xarumaha bulshada ee kubadanyihiin.
0 Comments