Daryeelka nadaafadda dhallaanka waa in ay helaan nadaafad guud iyo daryeel gooni ah oo ay kamidyihiin qubayska, ilaalinta daryeelka maqaarka, ilaalinta timaha, marwalbo in laga badalo xafaayadda iyo in laga taxadero dharka loo xiraayo una doortid mid ku haboon oo jilicsan ayaa muhiim u ah caafimaadka iyo daryeelka ilmahaaga.
Waa maxay muhiimada ay leedahay qubeska dhallaanka dhasha?
Dhallaanka in loo qubeyo waa muuhiim, qubeska waxa uu
kamid yahay nadaafada laakiin ilmaha dhasha
kaagama baahno in aad maalin walbo u qubeyso isbuucii sadex jeer waa ku
filantahay sababtoo ah inta badan dhaqaatiirta waxey kugulatalinayaan in aadan
uqubeen ilmaha dhasha ilaa maalmo waxayna ku sababeeyeen dhallaanka dhalashada
kadib maqaarkiisa waxaa kujira walxo taas oo ka ilaalisa jermiska deegaanka.
Side ugu qubeyn karnaa dhallaanka dhasha?
Waa in aad diyaarsataa wax walba oo u baahantahay marka
ilmaha aad u qubeyneysid mar Haddii aad bilawdo qubeyska ma awoodid in aad ka
fogaato markaa waa muhiim inaad diyaariso wax walba oo aad u baahan tahay ka
hor intaadan bilaabin qubeska.
Waa in ay diirranaadaan goobta iyo biyaha aad ugu qubeyneysid
dhallaanka dhasha waxayn u baahan yihiin in si taxadar leh loogu qubeeyo hooyada
waxay isticmaali doontaa hal gacan si ay ugu qabato qoortiisa iyo madaxa inta
lagu jiro qubayska waxay u isticmaali doontaa gacanta kale si ay u dhaqdo oo ay
u nadiifiso waxayna sii wadi doontaa nadiifinta ilmaheeda madaxa ilaa lugaha, sifiican
uga dhaq meelaha laalaabka leh ee jirkiisa sida qoorta, gacmaha iyo lugaha waxay
sidoo kale nadiifin doontaa faraha iyo suulasha dhexdooda, qubeska looma baahna
in aad waqtibadan ku heyso dhallaanka.
Maqaarka ilmaha sideen u ilaalin karnaa?
dhallaanka dhashay waxay u nugul
yihiin cuncunka ama xasaasiyada maqaarka bilaha hore ee dhalashadooda maadaama
aysan weli la qabsan hawada cusub, maqaarka ilmahaagu waxa uu leeyahay
saliidaha lagama maarmaanka ah kuwaas oo islamarkiiba ka shaqaynaya ilaalinta
maqaarkooda. ilmahaaga markasta ama maalinkasta waa in aad umarisaa saliidaha
iyo karemada caruurta ufiican oo tayadana leh waxay si weyn gacan uga geesan
karaan kor u qaadida caafimaadka maqaarkooda.
Dhallaanka dhasha waa in aad u sameysaa duugis adigoo u
marinaya saliid waxayna ka caawin kartaa
kor u qaadida socodka dhiiggooda.
Timaha dhallaanka sideen u daryeelikarna?
Timaha daryeelka dhallaanka dhasha sida saxda ayaa ah timaha in ay ahaadaan kuwo caafimaad qaba oo xoog leh.isbuucii
sedex jeer waa in aad udhaqdaa timaha adigoo isticmaalaya waxyaabaha lagu
nadiifiyo sida shaampo, waa in aad saliid ugu duugtaa timaha waxeyna u fiican tahay hagaajinta wareegga dhiigga ee
daloolada timaha waxuuna ka helaa hurdo fiican.
Waa maxay muhiimada ay leedahay nadaafada xafaayadda
dhalaanka?
muhiimada ugu weyn ayaa ah ilaalinta caafimaadka ilmahaaga hooya
kasta waa in ay hubisaa ama ka warqabtaa
in ilmaheedu u baahan yahay badalis xafaayad oo joogto ah gaar ahaan sanadaha
hore. malasocotaaa ilmahaaga
haddii aanad ka bedelin xafaayadda marka loo baahdo in uu halis ugu jiro inuu
ku dhaco cuduro ama ay kasoo baxaan finan ama meesha caabuq yeelato taas oo keeni
karta caafimaadaro weeyn.
Mar walbo biyo diirran u isticmaalo dhallaanka ka hor intaadan
beddelidda xafaayadda.umari looshannada ama kareemyada loo isticmaalo
xasaasiyada ama finan maqaarka ilmaha.marwalba
aad u nadiifi gaar ahaan qaybaha kala duwan ee agagaarka kaadi mareenka si aad
uga ilaaliso faafitaanka caabuqyada waa inaad qalajiso ilmahaaga intaanad
uxerin xafaayadda.
3 Comments
best
ReplyDeleteHi
ReplyDeleteThe best topic
ReplyDelete