Maxuu ka koobanyahay daryeelka hooyada uurka leh?
1) Daryeelka Dhalmada ka
hor
2) Daryeelka Dhalmada kadib
Daryeelka Dhalmada Ka
Hor: waa daryeel muhiim u ah
hoyada uureyd ah waxuuna kahortagaa dhibaatoyinka ku imaan kara hoyada iyo
dhalaanka. waxayna kordhisaa fursadda dhalmo badbaado iyo caafimaad leh Hooyada
uureyda waa in ay ledahay dhaqterka daryeelka dhalmada kahor kaasoo daryela
caafimaadkeda iyo kan ilmaheeda caloosha kujira marka aad xaqiijiso uurkaga
bilow balamaha dhaqterkaaga si uu ulasocdo xaaladaada usameyso waqti aad kula
kulanto dhaqterkaaga ugana sheekey taariqdaada hadii aadledahay wax daawo oo
aad qaadan jirtay mid dhaqter qoray iyo mid vitamin ahbo iyo hadii aadqabto wax
cuduro ah.
daryelka dhalmada kahor
waxa ay salka ku haysaa daryeel lagu hubinayo badbaadadaada adiga oo ilaalinaya
khataraha iyo samaynta wax kasta oo suurtagal ah si kor loogu qaado
caafimaadkaaga loona yareeyo khatarta dhibaatooyinka halista ah inta lagu jiro
uurka iyo dhalmada kahor labadaba. hooyooyinka aan helin daryeelka dhalmada ka hor waa kuwa la kulma
dhimashada dhallaanka. Hooyada uureyda ah waa in ay ka fogaataa wax walba oo
dhibaato ku ah nafteeda iyo tan ilmaheedaba waa in ay iska dhaaftaa hooyada
uureyda ah sida: sigaarka,qamriga tubaakada alchole waa in aad qaadataa folic
acid iyo cuno caafimaad leh.
Daryeelka dhalmada kadib:hooyada dhalmada kadib waxay ubaahantahay daryeel laga bilaabo saacad gudaheed ka dib dhalmada ilaa afartan bari, quburada caafimaadka waxey ku talinaayaan hooyada iyo dhalaaankeeda caafimaadka qaba in ay goobta caafimaadaka ku sugnaadaan 24 saacadood. Daryeelka dhalmada ka dib ayaa muhiim u ah caafimaadka iyo kawarqabka hooyada iyo dhallaanka waxeyna ka caawineysaa hooyada in ay laqabsato isbadelka jirkeeda dhalmada kadib. Daryeelka dhalmada kadib waa nasasho fiican in ay qadatoo oo ku habboon, waa in ay qadato nafaqo taas oo u fiican ayada iyo ilmaha ay nuujineyso waa in lasameeya kahortag iyo daaweyn dhibaatooyinka imaakara dhalmada kadib iyo latalin xaga naas nuujinta,in ay xaldaheeda jir ahaaneed ee hooyada ka warqabto iyo nadaafada in ay kudadaasho .
0 Comments