Waa maxay muhiimada nafaqada dhalaanka?
Nafaqadu waxay ka caawisaa dhalaanka inay door muhiim ah ka ciyaarto sanadaha hore ee nolosha ilmaha yar. Waxey muhiim u tahay Jirka iyo korriinka maskaxda ilmahaaga. nafaqada dheeli tiran waa aasaaska dhalaan mustaqbal caafimaad leh. Siinta ubadkaaga cunto dheeli tiran oo caafimaad leh waxay xaqiijin doontaa korriin ku filan oo jireed, maskaxeed, iyo garasho. Tani waxay ka caawinaysaa ilmahaaga yar inuu helo miisaan caafimaad leh waxayna yaraynaysaa khatarta ah inay ku dhacaan cudurrada daba dheeraada ee nolosha.
Side u nafaqeyn karnaa dhalaankeena?
Sida saxda ah ilmahaaga inta uu ku jiro sannadaha hore ee koritaanka nafaqeynta waa muhiim. Gaar ahaan marka ay gaaraan 9 bilood, maskaxdooda ayaa koreysa oo waxay hagaajinayaan dhaqaaqooda. Dhaqdhaqaaqa jirkooda ayaa maraya heerkii ugu sarreeyey inta lagu jiro marxaladan. nafaqada waxey kabilaabataa uurka markuu kujiro ilmaha. lixda bilood ee u horeyasa adiga ayaa mamula habka wax siinta laakiin lixbilood kadib habka nafaqeynta ilmaha yar waa hab fudud udiyaari cuno nafaqeysan oo isudheelitiran ma ahan in aad siiso ama aad qasabto si uu uqaato wax badan ilmaha waa in uu si tartiib ah u cuno kaligii waad caawinkartaa lk hakabadbadin Ku dhiiri geli inuu dhameeyo cuntada weelkiisa saran oo kaliya. Ilmahaagu si fiican buu u yaqaan jidhkiisa iyo rabitaankiisa ku kalsoonow ilmahaaga yar inuu yeesho awooddaas uu ku go'aansan karo inuu wax cuno. Xoog in aad wax u siiso ma caawinayso ilmaha.waligaa ha barbar dhigin rabitaanka cuntada ilmahaaga ilmo kale. Ilmo kastaa waa gaooni oo waxa uu leeyahay hab cunto oo gaar ahaaneed.
Cuno noocee ah ayaan ku quudin karnaa dhalankeen?
Waa in aad udoortaa cuno nafaqo badan uu kahelaayo ilmaha
maahan in aad siiso maalin walbo hal sheey ama hal cuno waa in aad
ukalabadashaa marwalba si uu helo jirkiisa waxa uu ubaahanyahay nafaqa ahaan. Marka
aad ubilaawdo cunada ilmahaaga ufiirso falcelintiisa maku shubmay xasaasiyad
miyee kusameysay hadey mid dhibaato sababtay tahay kajooji.Nafaqeynta ilmahaaga
waa in ey qeyb kayihii carbohydrates, dareere, Proteins, cuntooyinka ay ku
badan yihiin dufanka, birta, calcium, Vitaminska iyo minerals.
Carbohydrates: Waxey usiiyaa tamar
badan kor ayuu uqaadaa koriimada waxey kaloo siiyaan tamarta fiican waxaa laga
helaa baradhada,bataati macaan, galeyda, sokorta, malabka, baastada mooska, beet root, caano, lowska
Dareere: Dhalaanka markuu lix bilood kayaryahay
caanaha naaska ayaa uga filan waxwalbo wax biyo ah uma baahno laakiin ilmaha
markey lix bilood dhaafaan waxay u baahan yihiin dareero badan waxaana siin
kartaa caanaha naaska ama caana caadiga ah cabitaanada kuwa caafimaadka leh ama
miraha laga miiro sida canabka liin macaanta iyo biyaha cad
Proteins:Waxey dhalaanka u dhistaa murqaha waxeyna kashayesaa dhismaha unugyada jirka waxaa aad looga helaa caanaha naaska ama caanaha caadiga ah ukunta, hilibka gaduudan, digaaga, malayga, caanaha ,jeeska,ukunta iyo caano fadhi
Cuntooyinka ay ku badan yihiin dufanka: Dufanku waa
nafaqo dhalaanka aad ugu fiican una
kobciso maskaxda, neerfayaasha, iyo indhaha taasoo ka caawineyso fekerka iyo in uu awoodda
uu yeesho si nadiif ah in uu wax u arko. Ilaha laga helo waxaa kamid ah caanaha
naaska iyo caanaha caadiga ah, jiis, caano fadhi,
jiis adag, hilibka lo'da, avocado, saliid saytuun, saliid macsaro,
Birta: Birtu waxa ay ka dhalaanka caawisaa unugyada
cas cas ee dhiigga in ay oksijiinta u qaadaan jidhka oo waxa ay taageertaa
awoodda maskaxda wax-barashada ee ilmaha waxaa laga helaa hilibka la shiiday
iyo digirta, hilibka cas, digaag, kalluunka, iyo isbaandheska. Ha ubadin caanaha, sababtoo ah waxay faragelin
karaan nuugista birta.
Calcium: Waxa uu ilaaliyaa dhalaanka neerfayaasha
iyo murqaha inay shaqeeyaan. Waxay kaloo ilaaliyaan caafimaadka wadnaha. Waxaa
laga helaa caanaha, farmaajo, caano fadhi, liin macaan moos, looska, sisinta,
boorashka, malayga, ukunta.
Vitamins, menerals: Aad ayey ugu baahan yihiin dhalaanka waxuu u ilaaliyaa dhalaanka difaaca jirka,maqaarka,timaha iyo araga. waxaana laga helaa ukunta, farmaajada, beerka, hilibka, borashka, qudaaraha iyo malayga
0 Comments