Dhalaanka waa in cuno lasiiyaa marka
ay buuxiyaan lixbilood. kahor caana naaska ayaa waxay iyaga siin karaan nafaqo
dhameystiran.
Goorma ayaanu
ubilaabi karnaa cunada dhalaalnka?
ilmaha lixbilood markuu gaaro waa
in uu helaa nafaqo dheeraad ah naaska
kaliya kuma filna .cuno jilicsan iyo mid adagba waa siinkartaa lkn mida
jilicsan ayaa uwanaagsan marka ugu horeyso wax sidaa ubadan macunaayo ilmaha
ilaa uulaqabsado.in cuno lagu bilaabo lix bilood ilmaha waxey kacaawineysaa caafimaadkiisa
ayey sare uqaadeysaa nafaqo badane waa uu kahelaa sida wax loo waa uu baranayaa.
waxaan halkaan kugu soo diyaarinay
cunooyin aad uugu wanaagsan ilmaha lixda bilood kaweyn oo kakooban vitamiines, macdan,dufan
iyo tamar waxayna kaqeyb qaadataan nafaqada dhalaanka.
1.muus
Muuska ilmaha aad ayuu ugu fiicanyaha
waxaa laga helaa vitamiino badan difaaca jirka ayuu kor uqaadaa dheefshiidka
ayuu uhagaajiyaa lafaha ayuu u adkeeyaa.
waxaad u baahan
doontaa:
hal muus
Haaf
koob caano (kuwa
naaska ama caano caadi ah)
Habka diyaarinta:
Dooro hal muus
oo aad ubislaaday Diir oo ka saar qolofta Muuska googoo oo ku rid baaquli ku
dar caanaha Fargeeto ama qaaddo ku burburi oo jajabi muuska si joogto ah ilaa
uu isdhaxgalo
2.bocor gaduud
Bocorka waxaa ku jira fitamiin A
waxa uu dhalaanka ka caawiyaa xoojinta aragga, koritaanka,habka difaaca jirka ilmaha
iyo hurdo fiican ayuu kahelaa ilmaha. bocorka waxa kale oo uu ka kooban yahay
nafaqooyin kale oo muhiim ah sida fiitamiin E, vitamin B6, folate, iyo fiber,
vitamin C,tamar, iron, potassium.
waxaad u baahan
doontaa:
hal koob oo bocor gaduud ah (la
dhaqay oo la jarjaray)
hal koob oo biyo ah
haaf qaado
saliid ah(saliid saytuun,macsaro ama subag ah)
inyar
oo basal ah
inyar oo milix ah
habka diyaarinta:
biyaha, basasha ,haaf
qaado subag iyo bocorgaduudka digsi ku
rid oo dab kulayl dhexdhexaad ah saar. Karkari
ilaa bocorgaduudka oo jilicsanaado,Marka isku darku u muuqdo mid si
fiican loo kariyey, dami kuleylka oo digsiga dhinac dhig si uu u qaboojiyo. Makiinada
cabitaanka kushiid si uu isudhaxgalo kadib baaquli kushub markaa kadib waa
diyaar.
3. tufaax
Tufaaxa waxaa ka
buuxa flavonoids ,antioxidents fiber badan, fiitamiin C, iyo fiitamiin B6, si ay u caawiyaan dhallaanka koraya . Nafaqadu
way kala duwan tahay iyadoo ku xiran noocyada tufaaxa;
tusaale ahaan,
tufaaxa guduudan waxaa ku jira nooc gaar ah oo ka mid ah antioxidants, kaas oo
taageeri kara caafimaadka wadnaha iyo xididada. Cunista tufaaxa dhallaanku waxay kaa caawin kartaa xaddididda
shubanka iyo calool istaagga waa laba xaaladood oo caadi u ah oo ay la kulmaan
dhalaanka.
Tufaaxa ayaa
muujinaya natiijooyin wanaagsan marka ay timaado caafimaadka lafaha iyo guud
ahaan habka difaaca jirka. Waxay sidoo kale yareeyaan fursadaha uu ilmahaagu ku
yeelan karo neefta. Tufaaxu waxa uu caawiyaa ilaalinta caafimaadka mindhicirka
iyo waxa uu ka hortagga shubanka.
waxaad u baahan doontaa:
.halxabo oo
tufaaxa
.haaf koob oo
biya ah
Habka diyaarinta:
Dhaq oo diir
tufaaxa Ka saar xudunta iyo abuurka, hubi in aysan jirin qaybo adag oo ku
hadhay. Iska yaryareey oo ku rid digsi kudaar dab Kulayl dhexdhexaad ah, kari
5-7 daqiiqo. Marka la kariyo, ku wareeji qaybaha tufaaxa baaquli nadiif ah oo
ku burburi fargeeto. Hubi in aanu lahayn walxo adag.
4. avacadho
Avocado ayaa si gaar ah nafaqo
ugu leh dhalaanka taas oo taageeri kara caafimaadka ilmahaaga waxaana laga
helaa vitaminB6,dufan, iyo Potassium. Avocado waxey faa'iido u leedahay
horumarka maskaxda iyo ilaalinta caafimaadka. avocados waxa ay leedahay dufanka
caafimaadka qaba. oo taageera caafimaadka wadnaha oo ka caawiya jidhku inuu
nuugo fitamiinada kale.
waxaad u baahan
doontaa:
haaf avocado ah
haaf koob caano
ah
habka diyaarinta:
avocado iyo
caanaha isku dar kadib makiinada kushiid .
waxaa kudari
kartaa muus ama caano fadhi
0 Comments