Waa maxay naas nuujin?
Naas nuujintu waa
marka aad nuujiso ilmaha caanaha naaska si toos ah. naasnuujinta hooyada ayaa
sameysaa oo Go'aansata waana in ay sitoos ah usiisaa naaska lix bilood ee u
horeysa nolosha ilma ayadoo wax caano caadi ah ,biyo iyo casiirba aan lasiin
midnaba.
Inta jeer ee aad u
baahan tahay inaad nuujiso ilmaha waxay kuxirantahay hadba ilmahu siduu ubaahdo.
isbedel ayaad arki doontaa marka ilmahaagu korayo xaga nuujiinta. Ilmaha markuu
dhasho 4saacadood kadib waxey quburuda isuraaceen 2-3 saacadood kasta inta uu kagaaraayo labo
bil waa in lanuujiyo ilmaha. 3-4 saacadood kasta , marka uu lix bilood gaaro,
inta badan dhallaanku waxay uu ubaahanyahay 4-5 saacadood kasta.
Maxey tahay
Faa'iidooyinka Naasnuujintu u leedahay Hooyada?
Waxey naasnuujintu
hooyada ka yareyn kartaa cudurro badan sida kansarka naasaha, kansarka ugxansidaha,
sonkorowga nuuca labaad, wadne xanuunka, iyo dhiikarka.
Naasnuujintu waxay hoos udhigtaa kalooriyo dheeraadka ah ee jirkaaga kujiro markaa waxay kaa caawin kartaa inaad si dhakhso ah miisaanka uurka kaa dhaco. Waxay kaloo caawisaa in ilmo-galeenkaagu ku soo laabto cabbirkiisii iyo inuu yareeyo dhiig-baxa ilmo-galeenka
Maxay tahay Faa'iidooyinka Naasnuujintu u leedahay dhalaanka?
Waxay leedahay naasnuujinta Nafaqo fiican , isku dhafka fiitamiinada, borotiinka, iyo dufanka wax kasta oo ilmahu u baahan yahay inuu ku koro. caanaha ugu horreeya ee naasahaagu sameeyaan waxaa loo yaqaan 'colostrum' (Dambarku waxa ku badan borotiinka waxana ku yar baruurta iyo sonkorta waxaa ka buuxa unugyo dhiiga cad kaas oo saara unugyada difaaca jirka. Unugyadaan difaaca jirka waxay xoojiyaan habka difaaca ee ilmahaaga, waana ka hortaga ka caawiya dhallaanka la dagaalanka fayraska iyo bakteeriyada).
Naasnuujintu waxay hoos u dhigtaa khatarta ah in ilmahaagu ku dhaco neef ama xasaasiyad, shuban, caabuq dhegta ama caabuq sambabada. Naasnuujinta waxey xoojisaa awoodda maskaxda iyo mida lafaha iyo jaceylka udhaxeeya hooyada iyo ilmaheeda waxuuna noqdaa mid isku kalsoon.
2 Comments
Maasha allaah walaal qaali waan ka faaidnay ee noo soo badi alle haku barakeeyo
ReplyDeleteماشاءالله يا اختي العزيزه شكرا على جهودك نستنى من مزيد
ReplyDelete